Business

Friday, 18 March 2016

Hidaha iyo dhaqanka abwaan gaariye

Gaariyoow waa amuur culus Gaariyoow waa af kala qaad Arin waliba meel lehee Amin wali xusuus lehee Ayayday mas baa cunay Aabahay sidaan... thumbnail 1 summary
Gaariyoow waa amuur culus
Gaariyoow waa af kala qaad
Arin waliba meel lehee
Amin wali xusuus lehee
Ayayday mas baa cunay
Aabahay sidaan qabo,
Isticmaalkiibaa dilay
Awoowgayna mooyaan.
Ana beel walaan ahay
Afgooyaan ku noolahay
Arligaygu roob ma leh
Wabigaa agtaydaa
Intifaasic kuma qabo.
Aaladaha matoorkiyo
Qalabyada ordaayana
Waligayba maan arag.
Cagafyada abraaree
Ugaas kaygu sheegaa
Waa ii afkiisiyo
War idaacadeed iyo
Buuraha aktoobare
Gacmahaan adeegtaa
Ma awoodo yaanbada
Aqalkiyo faniilkaa
Farahaa i olaloo
Way wada af beeleen.
Uurkaygu waa mid
Adhaxdaydu waa boog
Cudurbaan la il daranahay
Adimada danbeetiyo
Oofbaan la liitaa.........

No comments

Post a Comment

Sponsor

...