Business

Friday 18 March 2016

Meel Ku Sii Qoro – Taariikhda Ay Kooxdaada Ciyaari Doonto Wareega 8da Champions League Oo UEFA Ay Xaqiijisay.

Waxaa Qoray: Saed Balaleti Taariikh: 18-Mar-16 Uefa ayaa goordhow xaqiijisay taariikhaha ay koox walba ciyaari doono wareega 8da ee Cha... thumbnail 1 summary
Waxaa Qoray: Saed Balaleti
Taariikh: 18-Mar-16


Uefa ayaa goordhow xaqiijisay taariikhaha ay koox walba ciyaari doono wareega 8da ee Champions League, waxaana ugu soo horeeya wareega 8da kulamada Bayern Munich v Benfica iyo Barcelona v Atletico Madrid oo lugta hore la ciyaari doono 5ta bisha April.
Wolfsburg v Real Madrid iyo PSG v Manchester City ayaa ciyaari doona lugta hore ee wareega 8da 6da bisha April.

Lugta labaad ee wareega 8da waxaa ugu soo horeeya kulamada u dhaxeeya Real Madrid v Wolfsburg iyo Man City v PSG oo dhacaya 12ka bisha April.
Kulamada Benfica v Bayern Munich iyo Atletico Madrid v Barcelona waxaa la ciyaari doonaa 13ka bisha April. Isku aadka wareega afar dhamaadka isna waxaa la qaban doonaa 15ka bisha April, halka finalka uu Milan ka dhici doono 28ka bisha May.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...