Business

Saturday 19 March 2016

Arsenal Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay Ka Dib Markii Ay Kala Dhantaaleen Everton Xilli Alex Iwobi Uu Furtay Akoonkiisa Goolasha Premier League.

Arsenal ayaa wadada guusha ku soo laabatay ka dib markii ay labo gool iyo waxba ku suul daareen kooxda Everton oo marti loogu ahaa garoonka... thumbnail 1 summary
Arsenal ayaa wadada guusha ku soo laabatay ka dib markii ay labo gool iyo waxba ku suul daareen kooxda Everton oo marti loogu ahaa garoonka Goodison Park, mid ka mid ah goolashaas waxaa dhaliyay 19 jirka Alex Iwobi waana goolkiisii ugu horeysay ee uu ka dhaliyo horyaalka Premier League, waxa ay sidoo kale Arsenal soo yareysay farqiga ay Leicester City hogaanka kaga heysay iyagoo ka dhigay sideed dhibcood, laakiin 11 dhibcood ayay ku laaban kartaa haddii ay Leciester ka badiso Crystal Palace.
Tababare Arsene Wenger oo cadaadis uu saarnaa kulankaan ka hor ayaa bedel ku sameeyay shaxdii uu kala hortagay kooxda Barcelona bartamihii isbuucii hore, iyadoo Francis Coquelin uu bedelay Mathie Flamini oo kulankaan ku seegay dhawac muruqa ah. Sidoo kale taageerayaasha martida ahaa ee yimid Goodison Park qaarkood kama aysan baaqsanin fariinta ah in Wenger uu kooxda isaga tago iyadoo taageerahaan hoose uu soo bandhigay boorkaan intii ay ciyaarta socotay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar leh iyadoo Everton ay labadii daqiiqo ee ugu horeysay weeraro isdaba joogta ah ku qaaday goolka Arsenal laakiin mirodhal ma aysan noqonin, daqiiqadii 3aad ayayna Arsenal heshay fursadii ugu horeysay markii uu Danny Welbeck uu u dhawaaday inuu shabaqa taabto laakiin waxaa kubada ka taabtay McCarthy oo kubadiisa ay birta ku sii dhacday.
Arsenal ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 7aad, markii Alexis Sanchez ay kubad isku taabsadeen Mezut Ozil ka hor inta uusan kubada u dhex bixinin Danny Welbeck kaasoo isna kubada la maray goolhayaha ugana tagay isagoo dhulka jiifa ka hor inta uusan tooganin shabaqa faaruq ah, waxaana ay taasi ciyaarta ka dhigtay 1-0 oo ay Gunners ku hogaanka ku qabatay.
Daqiiqad ka dib Iwobi ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Arsenal, Funes Mori ayaa hurdo iska galay isagoo kubada heysta waxaana ay taasi keentay in Alexis Sanchez uu kubad taabasho fiican la ciyaaro Welbeck ka hor inta uusan kubada u dhigin xiddiga da’da yar ee Nigeria, laakiin darbadiisa ayaa noqotay mid daciif ah waxaana si sahlan ku badbaadiyay goolhaye Joel.
Everton ayaa iyadana fursad fiican heshay daqiiqadii 21aad markii karoos fiican uu soo dhigay Baines uu damcay inuu bixiyo Gabriel laakiin kubada waxaa helay Barkley kaasoo u dhigay xiddiga reer Bosnia Besic oo isna darbo gaaban goolka ku tuuray laakiin waxaa fursadiisa ka badbaadiyay goolhaye Ospina.
Arsenal ayaa rigoore ku dacwootay daqiiqadii 35aad markii Besic uu qalad ku galay Alexis Sanchez xerada ganaaxa dhexdeeda laakiin garsoore Mark Clattenburg ayaa tilmaamay inaysan rigoore aheyn inkastoo ku celiskii la daawaday ay muujineyso taabasho inay jirto.
Gunners ayaana hogaanka dheereysatay daqiiqadii 42aad ee ciyaarta markii Everton ay khalad kubadeed ku sameysay khadka dhexe taasoo keentay in Bellerin uu kubada u qaado Alex Iwobi oo garabka midig saarnaa, waxaana 19 jirka reer Nigeria uu ka xarooday daafac Everton oo raacanayay ka hor inta uusan kubada ka hoos bixinin goolhaye Joel oo hogaanka Arsenal ka dhigin 2-0, waana goolkiisii ugu horeysay ee uu abid ka dhaliyo Premier League.
Jay-Jay Okocha ayaana u hambalyeeyay wiilka uu adeerka u yahay Alex Iwobi ka dib markii uu furtay akoonka goolasha ee Premier League.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Arsenal, kuwaasoo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay qeybtii hore ee ciyaarta oo hogaan ay u qalmeen ay ku qabteen.
Everton ayaana dhibane u aheyd difaac xumo iyadoo difacooda uu u muuqday mid aan isfahmeynin taasoo fursado u abuureysay kooxda Arsenal, mar waxaa dhacday in da’ yarka John Stones oo bedel lagu soo geliyay uu kubad si qaldan u bixiyay balse aakhirkii badbaadiyay, sidoo kalena John Stones iyo Jagielka ayaa marar badan u muuqday kuwa kubada isku haleynayay.
Arsenal ayaa waxaa soo wajahay walaac xoogan markii David Ospina uu ka warhelay isagoo kubad baadinaya Romelu Lukaku oo dhexda ka soo galay, taasoo xanuun daran ku abuurtay siiba dhabarka, waxaana ka muuqday inuu xanuusanayo mar kasta oo uu kubada bixinayay wixii markaas ka danbeeyay. Waxaa isna dhaawac Arsenal kaga baxay Mesut Ozil daqiiqadii 72aad markii John Stones uu canqowga uga soo degay isagoo kubad madaxa ah damacsanaa, waxaana bedelay Gibbs.
Qeybihii danbe ee ciyaarta ayaa noqotay mid caajis ah iyadoo labada kooxood ay ciyaarayeen kubad iska meel dhexaad ah oo weerarada aysan halis iyo natiijo midna laheyd. Everton ayaana cadaadis saareysay kooxda Arsenal si ay ugu yaraan gool sabarsiin ah u helaan, laakiin Giroud oo bedel ciyaarta ku soo galay ayaa dhibayay marar qaar isagoo fursad qaali ah goolka hareer mariyay daqiiqadii 2aad ee shan daqiio oo dheeri ah oo lagu daray, waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay 2-0 oo ay Gunners guusha ku raacday.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...