Business

Saturday 19 March 2016

Barnaamijka HAL-MUCEED: Halacsiga Mahadhada Hawraarta Hurre Walanwal

Maanshadu sida tan ayaa ay u bilaabmaysaa. Waa maansada Maarshaalka Quruxda. Waxay curatay ku-sinnaan 1980-meeyada badhtamihiisii. Far-s... thumbnail 1 summary
Maanshadu sida tan ayaa ay u bilaabmaysaa.
Waa maansada Maarshaalka Quruxda. Waxay curatay ku-sinnaan 1980-meeyada badhtamihiisii. Far-shaxannimada iyo quruxda siyaadada ah ee ay la liic-liicayso ka sokow, waxay kulansatay qoto-fogaan duluceed, xeel-dheeri, taran iyo dhoolla-tus afeed. Waa kal-gacal si kediso ah u unkamay, ase waayaha qallafsani foos-burburiyay, aakhirkiina aan midho-dhal noqonnin.
Hure oo ay weheliyaan illaa 11 nin ayaa Hawdka gobolka Togdheer ka soo kicitimaya, una soo safraya magaalada Hargeysa, deetana iyaga oo ku sugan goob ka mid ah magaalada Hargeysa ayay inani soo ag maraysaa. Taxanihii sheeko ee ay safar-wadaagtu wadaagaysay ayaa hal mar joogsanaya. Hurre, isagu ma arko gabadha, wuxuu se dareemayaa in wax dhaceen marka hal mar sheekadii socotay hakato. Hareeraha ayuu jal-jalleecayaa, markaasuu isha ku dhufanayaa qof dumar ah oo sii socota. Muxuu ka garan qof aanuu faayihiisa miliilicin, sow dumarku markay sii jeedaan maryo uun ma aha! Talo ayaa raggii safarka ahaa la soo gudboonaanaysa, ha ahaatee, waxay  isku waafaqayaan in gabadhaas aamusiisay aanay sidaas kaga tegin ee ay guriga ka daba galaan. Muddo markay talada isku mari waayaan, ayay aakhirka go’aaminayaan inay dalqada guriga isku shubaan. Waa yaab! Akhriste, ma gali lahayd aqal aanad odorosi karin waxaad kala kulmayso, haddii gabadh aad jamatay kaa gasho? Soddohdii guriga joogtay ayay dalbanayaan inay la hadlaan, markaasay iyaddana ka codsanayaan inay arkaan ereyana la wadaagaan gabadha ay janteen.
Fajac iyo qaya-yaab xooggan ka dib, ayaa la soo fadhiisinayaa inantii oo ay dhalinyaro wiilal iyo gabdhaba lihi ilaalo-ahaan u hareera fadhiyaan. Meexaane guud iyo haasaawe googoos ah haddii ay tarantariyaan, ayay is tooyanayaan, kulankoodana jewi is-af-garad u yeelayaan. Tajribaddoodu may daarranayn wax aan ka ahayn; inay ogaadaan in heemaalka iyo hadalka (quruxda iyo qawlka, odhaahda iyo garashada) inantu is leeyihiin iyo in kale. Haddii ay gutaan waajibaadkii ay nafahooda kula ballameen ayay reerka nabad-gelyaynayaan, iyaga oo u sheegaya inay mar dambe soo noqon doonaan, iyaga oo hadyad cuddoonna wadda. Hurre Walanwal oo loo aanaynayo hibada hal-abuurka walaalkii Hadraawi, ayay saaxiibbadiisii kale ku xujaynayaan inuu inantan Hees u tiriyo. Hurre laftiisa arrintaasi way ku adkaatay sida uu ku qiray waraysi arrintaa uu kala yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, maxaa yeelay; isaga iyo walaalkii kama masoobi karaan wax kasta oo ay mawhibaduna ka mid tahay. Tu kale oo jirtay ayaa iyana ahayd; hibooleydii ku wacnayd arrintani waa kuwo xabsi ku jira, kuwo xorriyaddoodii loo diiday iyo kuwo keymaha iyo injirta degeshaday.
Hurre iyo Saaxiibadiisii safarka ahaa, maadaama natiijadii cilmi-baadhistoodu ku biyo shubatay; aqoonta iyo bilicda inantu inay is waafaqsanyihiin, Hurre soo-noqoshadiisii reerkii ayuu soo abbaaray isaga oo heestanna sida, xaflad kooban oo ay cammireen dhalinyaradii maalintii hore goob-joogga ahayd iyo xubno kale oo caa’iladda Inanta ka mid ahi ayuuna ka akhriyay. Maansada la baxday Maarshaalka Quruxda:
Maansadaas waxa uu ku bilaabay Abwaanku:
Mawlaha Ilaah baa,
Maalmaha adduunyada,
Midba magac u yeeloo,
Dadna muran ma waayeen,
Haddaan muuqa araggiyo,
Mabda’ kala suntaynine
Laantaadan maaxdiyo,
Lagu koriyay miiddee,
Midhif-tiratay baarkaay,
Marley waan arkaayoo,
Muuqaalka oo qudha,
Arrintaadu maahee,
Hibo kuu mulkiyahoo,
Qayrkaa ka maqan baad,
Sidataa, ma nabad baa?
Maalaa’iigta Eebbiyo,
Macsuumaadka samadaad,
Meteshaa ilwaaddoo,
Mar qofkii ku dheehdaa,
Muddo aan yarayn buu,
Ashqaraar ku maqan yahay!
Mar-la-arag miyaad tahay?
Macne roob-la-dhac ahoo,
Marti laabataad tahay?
Mise ma-hurtadaadiyo,
Manka aad ka dhalataa,
Muunaddaa iska lahoo,
Dhegta lagu marriimaa?
Lama arag maqaamkaa,
Nebi Yuusuf mooyee,
Aadmiga mid gaadhee,
Mucjisooyin goonniya,
Marna maysku aragtaa?
Maskax iyo aqoon baa,
Rabbi kugu mannaystoo,
Milgaa garashadiisaa,
Macbuud kuugu deeqoo,
Waxaad tahay marley-dumar,
Mid aan lala masaynine,
Ma muftaa wax kuu dhiga,
Mise waa wax dhalashaa?
Gobkii macan sidiisaa,
Ayaa waaga meel dheer,
Muuqa-kaalka daymada,
Naftu kaaga muhataa,
Derejadu mid iyo laba,
Ma ahee, adaa lehe,
Maarshaalka quruxdaay!
Marsadoo abaar guba,
Uu dirir milshigi galay,
Muddo godol ku sheellaa,
Ku mar furatay Laasiyo,
Balli-calanle oo maal,
Dhibic iyo mahiigaan,
Maayad ahi ku shemel-dhebay,
Oo madax bad iyo guban,
Ka soo muuqday ku onkoday,
Oo mayay aroortii,
Mamaciyo xidhiidhaha,
Soo maray ku gamashiyay,
Oo uu fad mayracay,
Midna maalin weyn helay,
Midna miray habeenkii,
Oo uu midhaaf iyo,
Miish-miishle tuuraha,
Manjo-gororshe degeshaday,
Ay mugucdu jeexiyo,
Malko godanba siman tahay,
Oo uu mataanaha,
Rahu mooska cawdsaday,
Marka miilka dooggiyo,
Manka-dhaladku meersado,
Meel kastoo dirri ahayd,
Ee faraqa maydhiyo,
Mil-milloodka qun u baxay,
Mulac xaradha foodhyaan,
Ay midhuhu laamaha,
Baarka soo murkuciyaan,
Ee uu dhurduhu malab,
Moxorrada ku wada guro,
Waqal miray gartuubkii,
Tuska hore ku mudugsaday,
Aanuu moosin reeriyo,
Weli maal cunaa iman,
Ay midhiq dhaqaaqira,
Markay aragto deeradu,
Maalayso jeenyaha,
Markaad mooddo geedaha,
Maawelad in loo shiday,
Sida ay miliilica,
Muuqa-kaalka daymada,
Ishu uga mabsuuddaa,
Naftu kaaga muhataa,
Derejadu mid iyo laba,
Ma ahee, adaa lehe,
Maarshaalka quruxdaay!
Sida maydho geeloo,
Toomiyo masaarriyo,
Mudmud iyo xabkaaliyo,
Madheedh iyo xubnaaliyo,
Muddo dheer ugbaadiyo,
Tigaad meersanaysoo,
Maxas iyo dhir iyo adhi,
Kala foofin meel nugul,
Aan ceel lab iyo milix,
Dhegad iyo man darameed,
Marna waayin jeel beel,
Oo aan muqliyo dulin,
Maydhuufiyaa cunin,
Ay miiddu kuruskiyo,
Mudka hoose siman tahay,
Oo farawgu maydhaqa,
Maansha’e ka soo degay,
Uu may-caskiisiyo,
Madawgii caddaan yahay,
Oo maxal guyaadeed,
Bishay tahay ma-dhaafaan,
Dhulka maalku daaqee,
Mudankiyo ugbaadkaa,
Cosob aan la marinoo,
Maydhoobay lagu furin,
Uu geed-muheed iyo,
Siibaayo laan-maran,
Uu baar-qab malan daay,
Inta uu ku malas-dhebay,
Marba koore uga baxay,
Miciyaha sanqadhayiyo,
Mawdiisa doobida,
Marba haadku sara kacay,
Marka maraqa laga qubo,
Maal-daacda dhaqayada,
Ay ramaqa meel xidha,
Mulcistii u taal taal,
Uu kuraygu maantii,
Marba dhiilka kula kaco,
Uu moodku qabaygiyo,
Ku madhxaan sibraarrada,
Sida ay miliilica,
Muuqa-kaalka daymada,
Ishu uga mabsuuddaa,
Naftu kuugu muhataa,
Derajadu mid iyo laba,
Ma ahee, adaa lehe,
Maarshaalka quruxdaay!
Sida geenyo maydala,
Muuq-dheer ashkira iyo,
Suunaari meel mar ah,
Aad mooddo sawraca,
Sida moodda galabtiyo,
Sagal muuqday waaberi,
Oo madhac samaan iyo,
Xoog iyo martabad badan,
Oo uu masuul lihi,
Dooxo maqashi qabo-liyo,
Maskar iyo cagaariyo,
Intuu caalin-badan miray,
Muddo xadhigi laga rebay,
Oo aan midh-gubashiyo,
Mitan iyo harraad arag,
Oo maaxda Caynaba,
Markay doonto kaalmaha,
Ka mijilato saamaha,
Oo moxogga oo godan,
Maasawday oogada,
Oo macallin taba-baray,
Inta uu ku midhif-tiray,
Madaxa-yo gaaddada,
Qool iyo murriyad kow;
Mareeg iyo sitaac laba;
Heenso midabbo dhowra leh,
Intuu keenay miidaan,
Mahwi iida aan weli,
Hardaf iyo magiigane,
Mashqac iyo rogaal gelin,
Majarii la sii deyn,
Maggawgii ku hilan yahay,
Oo maqashay riigaan,
Fardo maraya soonaha,
Oo miiqa dhegihiyo,
Mar-fudaydka jaantiyo,
Miilayska danankiyo,
Mar kulmeen dareemmadu,
Oo saynta maadha ah,
Intay marisay baallaha,
Midhif-tiratay geesaha,
Sida ay miliilica,
Muuqa-kaalka daymada,
Ishu uga mabsuuddaa,
Naftu kuugu muhataa,
Derajadu mid iyo laba,
Ma ahee, adaa lehe,
Maarshaalka quruxdaay!
Taariikh madaw baad,
Maandheey la kulantoo,
Wakhtigaa murkacashiyo,
Laf maroorta yeeshee,
Haddaad maahir dumareey,
Intii macallimiintiyo,
Afku madax-bannaanaa,
Murti-leeydii kulantaan,
Gabay aad ka maqan tahay,
Abwaannadu ma mariyeen!
Haween kale ma muuqdeen,
Ama lama majeerteen,
Maah-maahahaagiyo,
Magac-bixinta heestaa,
Noqon laa ma-guuraan!
Ha-yeeshee Mulkiilii,
Meeshiisi kama tegin,
Ragna dunida kama madhan,
Gabadh yahay ha murugoon,
Moorada dabayshiyo,
Manka baxay ku naallood,
Samirkana ha moogaan!
alle ayaa mahad iska leh

No comments

Post a Comment

Sponsor

...