Business

Saturday 19 March 2016

Lionel Messi Oo Markii Uu Ugu Horeysay Ka Hadlay Qaladkii Waalida Ahaa Ee Uu Ku Galay Flipe Luis Iyo Xidiga Oo Ku Weeraray Saxaafada Dalkiisa Iyo Tan Barcelona Iney Buun-Buuniyeen Arinta.

Intii uu ku guda jiray wareysi uu siinayay majalada kasoo baxda dalkiisa hooyo ee Argentina ee El Gráfico, Leo Messi ayaa markii ugu hore... thumbnail 1 summary

Intii uu ku guda jiray wareysi uu siinayay majalada kasoo baxda dalkiisa hooyo ee Argentina ee El Gráfico, Leo Messi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qaladkii waalida ahaa ee uu Filipe Luís ku galay isaga kulankii ay kooxdiisa Barcelona tuntay Atletico taasoo keentay in daafaca Brazil loo taago casaan ciyaaratana laga saaro.
Leo Messi ayaa yiri “Waxyaabahaas oo kale ma aha wax caadi ah, inaad kor lugta u soo qaado oo taakal ku raadiso jilibka laakin ilama aheyn inuu ula jeeday inuu I dhaawaco, ma jirto qof si cad dhaawac ugu geysto qof kale, ma rumeysni inuu doonayay inuu I waxyeeleeyo laakin waxa jira nidaam maamul oo na kala saara”.
Leo Messi ayaa yiri “Waxyaabahaas oo kale ma aha wax caadi ah, inaad kor lugta u soo qaado oo taakal ku raadiso jilibka laakin ilama aheyn inuu ula jeeday inuu I dhaawaco, ma jirto qof si cad dhaawac ugu geysto qof kale, ma rumeysni inuu doonayay inuu I waxyeeleeyo laakin waxa jira nidaam maamul oo na kala saara”.
Dhanka kale Messi ayaa sheegay inuusan kala jecleyn in Flipe Luis la ganaaxay kaliya hal kulan iyo in kale wuxuuna yiri “Shaqadaas waxya u taalaa maamulka La Liga, aniga waxba igama galin hadii uu hal kulan ganaaxan yahay iyo hadii la ganaaxay 10 kulan, ma jirto kalsooni daro aan ku qabo nidaamka”.
Ugu danbeyn xidihgaan ayaa ku eedeeyay saxaafada dalkiisa iyo magaalada Barcelona iney buunbuuniyeen arinta wuxuuna yiri “Adinka saxaafadiina ah gaar ahaan kuwa weyneynaya arinta ma ogaan kartaan sida ay wax u yihiin, mararka qaar muraayada waxay kuu muujineysaa waxaanan jirin, xitaa hadii aad soo qabataan sawirka saxda ah masoo qaban kartaan u jeedka qofka iyo xanuuna la gaarsiiyay dhibanaha, ma doonayo in wixii garoonka ka dhacay aan banaanka keeno, taasi waxay ku ekaaneysaa garoonka, maxaad u dooneysaan inaad u abuurtaan muran ?”.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...