Business

Saturday 19 March 2016

Haydaaradii Guuleed ( Sheeko)

Guuleed waxa uu tacabiray waddanka Ingiriiska ( England). Muddo dhowr sannadood ahna halkaas buu ku negaa. Sharcigiina kolka waa la siiya... thumbnail 1 summary
Guuleed waxa uu tacabiray waddanka Ingiriiska ( England). Muddo dhowr sannadood ahna halkaas buu ku negaa. Sharcigiina kolka waa la siiyay oo waaba muwaadin. Firfircooni iyo dedaal badan ayaa lagu majeeran jirey, shaqo fiicanna waa uu haystay, madaama uu karti badnaa; waana sababta "Hawl-karka" loogu tilmaamo. Markii ay sidaa guyaal dhowr ah u dhignayd, ayaa Guuleed hoos u dhac xoog badani ku yimid. Wax yar uun kaddib arooskiisii iyo aqal galkiisii. La yaab! La is yidhi "Malaha wiilku hawshii arooska ayuu dhaqaale burbur ka qaadey" Dhowr jeerna intoo lala showray ayay arrintuba sidii la moodayey noqon weyday. Cilinkiisa la saari waa! Isna is caddeyn waa!
Goor dambe oo ninkiiba hawada ka baxay, ayuu maalin maalmaha ka mid ah, dhibaatadiisii oogta ka caddeeyay, isaga oo ku bilaabay:
|.
" Maal iyo adduun, mood iyo nool, wixii aan hanti lahaa oo dhan meel baan ku keydin jirey. Nolosha mustaqbalkeedana aad baan ugu diyaar garoobi jirey. Guurkuna kow buu ka ahaa. In aan gabadhayda iyo carruurtaydu werwerin ayaan ku dedaali jirey, waligayna wakhti iskama lumin si aan taa u xaqiijiyo. Kolkii aan is idhi, marka calafkii u sahan tag, Alle iguma adkayne markiiba gabadh aan aad ugu bogay, ayuu dookhu ii caleemo-saaray.
Luuqadihii jacaylka iyo xiisihii kalgacalka ayaa durtaba na mideeyay. Walow aanu kala durugsanayn, laba waddanna kala joognay, haddana dhambaallo ayaanu ku wada xidhiidhi jirnay, illaa aanu u dallacnay heerkii Mobilka laga wada hadli lahaa. "Toddobaadba sheekadu, waxay taako socotaba, ma ku taabnay guushii...." Maalmihii caashaqa xambaarsanaa, waxa ay nala damceen in ay xaggaa iyo libinta noo sii galbiyaan, hirarka jacaylka iyo hilowga is biirsaday ayaa laabahayaga xaradhaaminaya.
Kalsooni badanna waa ay naga dhex abuurantay.
Nin guur doon ah haasaawe ma qaboojiyee, waxa aan weysada u biyaystay, in aan ka midho dhaliyo rajadii aan lahaa iyo himiladii hirgashay. In aan u tago, oo aan halkaa ay joogto ku soo mehersado ayaanu isku raacnay. Xaggaa iyo waddanka Suuriya( Seria) Oo ay qoxooti ahaan u degganayd ayaan toos u abbaaray. Dhulkii aan cagta saaray, iyo gegidii aan ka degayna, ubax casaan ah ayay igu qaabishay, dareen hor lehna was ay igu hoggaamisey.
Saddex cisho kaddib, adeerkeed oo goobta ku sugnaa, ayaa loo wakiishay in uu inanta bixiyo, anigana ii meheriyo; arrintaasina si gobonnimo leh ayay u dhacday. Gabbaati iyo yarad aan kal iyo laab uu bixiyayna waa la kala guddoomay. Intaa kaddibna kolka so afadaydii ma noqon. Muddo toddobaaddo ah baanu hudheel wada degganayn, shaqo ii taalay awgeedna inta aan soo maca-salaameeyay ayaan dib ugu soo noqday, dalkii aan sugnaa.
Hambalyo, duco iyo salaan sharaf badan ayaa iga soo gaadhay ehelka iyo asxaabta, hablo baddan oo kolay doobnimadayda dani ugu jirtayna, hoosta ayay ka naxeen. Yeelkoode anigu qoys xalaal ah sow ma aan yagleelan.
Sidii ballantayadu ahayd, dacwad ayaan ka bilaabay waddanka Ingiriiska, si aan u soo dhoofiyo xaaskayga qaaliga ah. Inkastoon dhib iyo rafaad badan la marayna sannad kaddib Eebbe waa igu guuleeyay, gabadhaydiina sidii baan ku soo dhoofiyay. Qoys isu hiloobayna halkii baanu udubkiisa ka taagnay. Farxad iyo rayrayn badan ayaa i saaqday, rajadayda ruwoydey awgeed. Muddo laba sanno ah, ayaan kaga mudhay qayrkay, ileyn bani-aadmi baan ahay oo qaybka kama war hayee, intii xaadirka ii ahayd ayuun baan ugu xudun xidhay farxaddayda.
Laba isu dhago-nugul ayaanu noqonay, naftana waanu isku hurnay. Anaga oo sidaas ah, ayaa ay xaaskaygu iga dalbatay, in aan walaalkeed oo Suuriya jooga u soo dhoofiyo. Anna kuma diidine waan ka aqbalay. Si taasi u hir gashana waxa ay noqotay, in aanu ladayadu si ku-meelgaadh ah isu furro, dabeeto ay walaalkeed ku soo kaxayso, in uu ninkeedii yahay. Waraaqo furriin ahna waanu kala qoranay, dacwadiina sidii baanu ku bilownay, kharash badan ayaan galiyay si aan seedigay u soo kaxeeyo. Mar labaadna Rabbi ima hungaysiine, waanu ku guulaysanay, isagiina soo dhoof.
Aniga oo ku howlan sidii aan sharci ugu raadin lahaa, ayaa ay igu habsatay arrin aanan filanayn oo iga yaabisay.Xaaskaygana aan kala kulmay.
Markii aan weydiiyay sida ay wax u jiraanna, waxa ay iigu jawaabtay:
||.
"Aboowe horta abaalka aad noo gashay waa mid aanu kuu hayno, Suuriya markii aad iigu timid, waxa aan ahaa gabadh la qabo, ninkaygii oo aanu Xamar igala soo tahriibnayna waa uu ila socday, waliba ila degganaa. Markii aad guurka iga dalbatay isagana waan u sheegay, si aanu dhibaatadii qaxooriga uga baxno, in aan adiga ku guursado ayaanu ku heshiinay. Imika ninka aan walaalkay ku soo dhoofiyayna waa ninkaygii...
Adigana khayr baan kuu rajaynayaa, waxa aad tahay qof fiican oo naxariis badan."
Markii ay sidaa ay iigu jawaabtay, ayaan iskala garan waayay, fikir dartiina in aan waasho ayaan in yar u jiraa."
" Ayaamahan gaabiska ah
Iyana waxan kaga gudbaa
Gobeeg liic oo ha jabin"...Ganey.
W/Q: Cawaale Ismaaciil Saleebaan. Cawaale Deeqsi

No comments

Post a Comment

Sponsor

...