Business

Saturday 19 March 2016

Tix yar oo gaaban oo ku saabsan labada xusbi qaran ee kulmiye iyo wadani iyaga oo umadii shacbiga siday doonaan ka yeelaya

Kii dhiiga shubi laa Amma dhuuxa huri laa Maantida dhammaatiyo Hooyada dhibaatadu Geerida ku dhaabtiyo Kii dhiilladaa culus Dhaqaalah... thumbnail 1 summary
Kii dhiiga shubi laa
Amma dhuuxa huri laa
Maantida dhammaatiyo
Hooyada dhibaatadu
Geerida ku dhaabtiyo
Kii dhiilladaa culus
Dhaqaalaha ku bixin laa
Mar haddii u dhaantiyo
Dhalanteed ku nagi yahay
dhimashada saboolkaa
Darajowga dhiganoo
Dheefta uu ka raadshaa.
Damiirkiisu waa dhagax
Dantiisuu ka dhowraa
Meel dadkiisu dhabar jabay.
Allow dhiilka dunidiyo
Adaa dheefta aakhiro
Labadaba dhitaystoo
Deeqdaadu dhow dee
Rabbow dhibica roobkiyo
Raxmadaada nagu dhowr.
Rabow dhamacda qiiqiyo
Dhibta iyo abaaraha
Dhakhso nooga soo jabi.
Ummad dhuuni qaatuhu
Dalkeedii dhammeeyoo
Dheelalowsan baan nee
Rabbow dhidibka noo taag.
W/Q ABWAAN CAWAALE DEEQSI

No comments

Post a Comment

Sponsor

...