Business

Tuesday 22 March 2016

Tartan cusub oo loogu magac daray international champion cup oo loo qaban doono muruqyo wayta kubada cagta iyada oo abaabulkaasi hada soo qabsoomay.

Marka uu xili ciyaareedkani dhamaado isla markaana aanu bilaamin xili ciyaareedka cusub,waxaan heli doonaa kulamo xiiso badan oo aan ku s... thumbnail 1 summary
Marka uu xili ciyaareedkani dhamaado isla markaana aanu bilaamin xili ciyaareedka cusub,waxaan heli doonaa kulamo xiiso badan oo aan ku sugi doono xili ciyaareedka cusub ee 2016/17, waxaana koobka saaxiibtinimo ee  International Champions Cupka ku midoobay kooxaha Yurub ugu waa wayn iyada oo ay waliba jiri doonaan kulamo aad u xiiso badan oo ay tahay in aanad seegin daawashadooda.
Kooxda Leicester City ayaa xili ciyaareedkan xaq u yeelatay in lagu soo daro liiska kooxaha waa wayn ee Yurub kadib markii ay geed iskaga xidhay kooxaha England ugu waa wayn isla markaana ay Premier Leaque-ga ka yaabsatay, waxayna kooxda Foxes wajihi doontaa kooxda tartanka yurub difaacanaysa ee Barcelona, waxaana liiska kooxaha ICC Cupka xagaaga ka soo muuqan doonaa ay ka kooban yihiin 10 kooxood.
Kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Real Madrid, Paris Saint-Germain, Liverpool, Chelsea, AC Milan, Inter Milan, Celtic iyo Leicester City ayaa dhamaantood kuwada jira tartanka baryihii ugu danbeeyay xiisaha yeelanaya ee ICC Cupka, waxaana hadda lagu dhawaaqay kulamada ay koxoahani ciyaari doonaan iyo waliba taariikhaha ay ciyaari doonaan.
Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa madaxa isla gali doona wax u muuqda kulanka ugu horeeya ee tababare Antonio Conte, waxaana kulanka Reds iyo Blues uu ka dhici doonaa  garoonka Rose Bowl ee Pasadena oo ku yaal California, wuxuuna garoonkani qaadaa 92,000 kun oo daawade. Sidoo kale Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Real Madrid halka kooxda Jurgen Klopp ayaa sidoo kale wajihi doonta Barcelona.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...