Business

Monday 21 March 2016

Warbixin: City Ma Dhaqaaqi Karto Kompany La’aantiis Halka Martial Uu Qaan Gaar Degdeg Ah Sameynayo Iyo Lix Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Xalay Ee Manchester Derby

Marcus Rashford ayaa ahaa geesigii Manchester Derby ee xalay markii uu kala saaray labada koox inkastoo ay garoonka ku jireen wiilal ku fadh... thumbnail 1 summary
Marcus Rashford ayaa ahaa geesigii Manchester Derby ee xalay markii uu kala saaray labada koox inkastoo ay garoonka ku jireen wiilal ku fadhiyay malaayiin pound oo ka da’ weyn, ka xariifsan kana magac sareeya, laakin weeraryahanka ayaa qudhiisa nasiib ku lahaa in xalay ay Man City ka maqnaayeen xidigaheeda dookha koowaaad ee daafaca ee kala ah Kompany iyo Otamendi, isku soo duuboo maxaan ka baranay kulankaas.

  1. Anthony Martial Wuu Sii Korayaa Kulanka Kan Xiga.
Inkastoo amaanta dhan uu qaatay gooldhaliyihii kulankaan ee Marcus Rashford hadana Anthony Martial ayaa nin banaan taagan u ahaa kooxda martida ah, wuxuu ka ciyaarayay garabka bidix maadaama booskiisa weerarka dhexe uu ka ciyaarayayRashford, da’yarka ree France ayaa howl layaab leh ka qabtay garabkaas isagoo shaqo adag u diray daafacyada City isagoo Sagna iyo Dimechels xusuusiyay da’dooda.
2.Sergio Aguero Waa Weeraryahanka Ugu Fiican Ingiriiska.
Waxaad ku doodi kartaa isaga ma hogaaminayo gooldhalinta ingiriiska laakin ogow hadii uusan dhaawac hareyn laheyn kooxdiisa meel kale ayeey joogi laheyd waqtigaan, Man City ayaa muuq beesha marka uu maqan yahay ama uusan qaab ciyaareed fiican ku jirin isaga, daafacyada United ayaa ku wareeray ilaalintiisa iyadoo Smalling iyo Blind uu marba dhinac kaga imaanayay.
3.Waqtigii Martin Demichelis Waa Dhamaaday.
Wuxuu bari ahaa bir aan la dhaafi karin, laakin da’diisa oo 35 sano jir ah ayaa keentay inuu cagaha ka daalo, malaha kulankii shalay wuxuu ahaa kiisii ugu danbeeyay ee maaliyada Man City, wuxuu kooxdiisa u horseeday in gool laga dhaliyo halka uu sidoo kale sabab u ahaa dhaawicii Joe Hart, jamaahiirta Sky Blues ayaana ku duceysanaya in mardanbe aysan arkin daafacaan ree Argentina.
4.Morgan Schneiderlin Waa Khadka Dhexe Ugu Amaansan United.
Van Gaal kuguma raaci doono arintaas laakin Man United waxay adkaatay 67 boqolkiiba kulamada uu ku soo bilowdo xidiga xulka France kaasoo xalay markale soo bandhigay una sheegay Van Gaal waxa uu awood u leeyahay, raacasho, madaalenimo iyo kubad dhigis halkii la rabay iyo tamar aan dhamaaneyn ayuu soo bandhigay xidigaan kulankii xalay si uu dahaar adag u siiy daafaca United.
5.Kadib Qaladaadkii Michael Oliver Garsooreyaasha Ingiriiska Wali Heer Sare Ma Gaarin.
Qaladaadkiisa ma aheyn kaliya hal ama mid ku fooraray hal dhinac, kabtan ku xigeenki Man United ee Chris Smalling ayaa nasiib ku lahaa inuu ciyaarta ku sii jiro kadib qalad uu galay bilowgii ciyaarta uu ku qaatay kaarka digiinta ah isagoo labo jeer oo kale qalad ku galay isla Aguero laakin garsooraha ayaa ku adkeystay inaan meesha laga saarin ciyaarta, sidoo kale wuxuu gool ku laad cad ka diiday United markii uu Marcus Rashford kadib qalad uu ku galay Fernandinho, xidiga ree Brazil ayaa dhulka soo dhigay da’yarka Manchester ku dhashay lakin garsooraha ayaa iska ilow ku yiri taas ayaana keentay in baraha bulshada lagu jeexjeexo garsoorahaan heerka caalami ee ingiriiska.
6. Man City Ma SOcon Karta La’aanta Kabtankeeda.
Ma jirin ciyaariyahan masuuliyad iska saarayay inuu ku qeyliyo uu abaabulo amarna siiyo ciyartooyda kale ee kooxda, sidoo kale daafacooda ayaa waayay masuuliyadii kubada lagu soo dhisi lahaa iyo kalsoonidii iy0 deganaantii sidoo kale kooxda ayaa si cad u tabtay maqnaanshaha daafaceeda dhexe markii Man United ay weeraro ku qaado kooxda City markaasoo ay qalqal galayeen daafacyadii xalay la mataaneeyay ee Mangala iyo Dimechels

No comments

Post a Comment

Sponsor

...