Business

Monday 28 March 2016

WARBIXIN: Mulkiilaha Kooxda PSG Ee Nasser Al-Khelaifi Oo Ibrahimovic & Edinson Cavani Iska Fasaxaya Isaga Oo Doonaya Inuu Rekoodhka Suuqa Kala Iibsiga Ku Jabiyo Neymar Da Silva Iyo Cristiano Ronaldo.

Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale Taariikh: 27-Mar-16      Mulkiilaha kooxda  Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa doonaya in uu ... thumbnail 1 summary
Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale
Taariikh: 27-Mar-16
    
Mulkiilaha kooxda  Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa doonaya in uu kooxdiisa ka diro Zlatan Ibrahimovic iyo Edinson Cavani isaga oo badalkooda doonaya in uu rekoodhka suuqa kala iibisaga ku jabiyo soo xero galinta xidigaha Real Madrid iyo Barcelona ee Cristiano Ronaldo iyo Neymar da Silva Junior sida ay ku warantay Il Corriere dello Sport.
Nasser Al-Khelaifi oo mashruuc kubbada cagta ah oo guulaystay ka sameeyay PSG ayaa doonaya in uu qaado talaabada xigta ee uu ku hormarinayo mashruuciisa Paris, wuxuuna lacag waali ah ku doonayaa Ronaldo iyo Neymar in uu xagaaga kula soo wareego.
Ma aha markii ugu horaysay ee Nasser Al-Khelaifi iyo kooxdiisa PSG lala xidhiidhinayo Neymar ama Ronaldo, balse waxay ahayd mid joogto ah in ay PSG doonayso labadan xidig ama midkood . Wararka ayaa sheegaya in Ronaldo uu heshiis waqti gaaban ah ugu biiri karo PSG ka hor inta aanu waayihiisa ciyaareed ku soo gabagabayn horyaalka Markaynka ee MLS.

Nasser Al-Khelaifi ayaa u arka in Ronaldo iyo Neymar ay isbadal wayn ka samayn karaan kooxdiisa PSG oo haddaba soo gaadhay sideed dhamaadka Champions Leaque-ga isla markaana muddo afar sano ah iska rahmatay koobka horyaalka Lique 1-ka. Waxayna maamulka PSG u arkaan in haddii ay xidigahan helaan ay si dhab ugu tartami karaan Champions Leaque-ga oo ah ahmiyadooda kowaad.
Nasser Al-Khelaifi iyo kooxdiisa PSG ayaan wax walwal ah ka qabin dhaqaalaha badan ee lagula wareegi karo Neymar iyo Ronaldo balse waxay ka walwalsan yihiin sida lacagtoodu ay Neymar iyo Ronaldo ay xagaaga ugu midayn karto PSG.
Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis waqti dheer ah ka saxiixato Neymar oo ay u arkaan xidiga badali doona Lionel Messi laakiin iyada oo Real Madrid xagaaga laga samayn doono isbadal wayn, ayaa shaki la galinayaa mustqabalka xidiga saddexda jeer ku guulaystay Ballon d’Or-ka ee Ronaldo. Perez ayaa mar hore la sheegay in uu la kulmay Nasser Al-Khelaifi isla markaana ay ka wada hadaleen iibka Ronaldo inkasta  oo uu markii danbe Perez beeniyay.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...