Business

Monday 28 March 2016

SHEEKO GAABAN: Jacaylkii Saranseermay!

Dadku sida ay u kala ayaan badan yihiin ayuu jacaylkuna u kala ayaan roon yahay. Qaar wuxuu kala kulmaa soo dhawayn iyo soor-yayn. Halka ... thumbnail 1 summary
Dadku sida ay u kala ayaan badan yihiin ayuu jacaylkuna u kala ayaan roon yahay. Qaar wuxuu kala kulmaa soo dhawayn iyo soor-yayn. Halka uu kuwa kalena kala kulmo hiifid iyo haaraan.
Haddaba isagu wuxuu isu tirin jiray qolada hore, waxaanu ahaa nin jecel fanka, quruxda deegaanka iyo haweenka. Oo ma mid inaga mida oo aan intanba jeclayn baa jira?
Jacaylka guud ee uu u qabo haweenka, waxa u weheliyay mid gaara oo uu u qaaday gabadh. Isaga ayuun baa jeclaaday, waana lala caashaqay ee iyadu ma jeclaan. Inaanay jeclaanina danbi kuma lahayn. Waayo, mabay aqoon jacaylku wuxuu yahay. Oo horta kaalay waa maxay jacaylku? Waa Dareen rabitaan oo bogga iyo beerka kaaga abuurma. Oo goorma ayuu kugu abuurmaa? Marka aad la kulanto ama maqasho qof leh tilmaamo ku ashqaraar galiya. Oo maxaa ka mida tilmaamahaas? Qurux badnaan, adduun badnaan, caqli badnaan, aqoon badnaan iwm.
Haddaba, wuxuu ku jeclaaday inta gabadh lagu jeclaado ee ay qiimi, qurux iyo qoys wanaagsani ka mid yihiin oo ay kulansatay. Waxaanu saadaaliyay inay noqon doonto marwo aan lagu saluugi doonin karti iyo kalgacalba.
Haddaba, marxalad kasta oo cimriga ka mid ahi wax bay caan ku tahaye, markan uu inanta caashaqay wuu dhaafay xilligii “Hebelba wuu haasaawaaye, adna sheekayso” Mana uu gaadhin marxaladdii “ Hebelba wuu guursadaye, adna guurso”. Isaga iyo xaaladdiisuba waxay u dhexeeyaan labadaa marxaladood.
Inkasta oo aanay si toosa u kulmi jirin, haddana jaar ay ahaayeen iyo xidhiidh toolmoon oo u dhexeeyay isaga iyo gabadha reerkooda ayaa mar walba u saamixi jiray inuu guriga tago, isaga oo aan laga Dareen iyo dani qabin. Guriga marka uu yimaad daymadeeda bilaa dareenka ah iyo qosolkeeda bilaa quudhsiga ahi waxay qalbigiisa uga dhignaayeen dhibco roobaad dhul u ooman ku da’aya. Dhabanadeeda aad mooddo waaga oo dhalaalay iyo bushimaheeda aad mooddo in dharabku ku dul daatan yahayna waxay dhaayihiisa uga dhignaan jireen dhul doogle oo xareeddu wadhan tahay. Intaa waxa u dheeraa, mar walba wuxuu la kulmi jiray iyada oo ku foogan agaasinka iyo hawlaha guriga, tanina waxay ku sii laban laabi jirtay kalgacalkii uu awelba u qabay. Waayo, waligiiba wuxuu ku taami jiray inuu nolol la wadaago gabadh karti leh. Halka uu isla jeerkaas kun jeer ka Alle Magan gali jiray doqon iska hawaarta.
Marka uu la hadlayo wuxuu afka ka odhan jiray walaal, uurkana gacaliso. Waxayse ugu darnayd maalintii ay ku tidhi iyada oo xishoonaysa “Walaal ma nihin ee inaabti baynu nahay”. Yaab badanaa, wuxuu kala garan waayay  inay uurkiisa daalacatay iyo in iyana la saaqay.
Isaga oo xaaladdaa ku jira ayaa qadartu timid oo waqtigu oo waqtigu ka adeegay, waa la kala geeyay oo mid waayuhu wuxuu ku tuuray meel aannu doorran ee uu isagu u dooray. Qorax ka dhac baa loo dheelmiyay iyada, isna qorax ka soo bax baa loo kaliyay. In la kala geeyo laba meelood iyadu waa ku faraxsan tahay, isaguse waa ka xun yahay. Oo maxay ugu faraxsanaan wayday ma jacayl baa haya, muxuuse uga xumaan waayay saw jacayl lama il darna.
Dadku haddii ay wanaag iyo walaaltinimo ku kala tegayaan, waxa caado u ah inay sawiro is waydaarsadaan si ay isugu soo xasuustaan, ogsoonawse dadka oo idil maaha ee waa dadka is jecel oo kaliya. Haddaba, markii ay isaga u suurto gali wayday helitaanka sawirkeedu, wuxuu maankiisa ka helay mid kaba wanaagsan, waxaanu is tusay in sawir kamarad lagu qaado ayba ka habboon tahay inuu indhihiisa ku qaato, waanu qaatay, waliba iyada oo is moog, waxaanu dhigay qol ka mida afarta qol ee wadnihiisu ka kooban yahay. Qolkaa hareerihiisa waxa lagu beeray ubax caynba cayna, waxaana lagu waraabiyaa dhiigiisa.
Haddaba, inkasta oo ay kala fogaadeen haddana kama baaqdo barta ay ku nooshahay bilic haldhaalay, ee markasta oo ay u suurto gasho waa isku sii daayaa xaafaddooda. Uguma tago inuu jacaylkiisa u bandhigto ee wuxuu iska jecel yahay bal inuu ogaado waxay ku waaba-riisatay ama ku gabal dhacsatay. Oo tolow muxuu jacaylkiisa la qarsanayaa ma iyaduu ka baqayaa? Kama baqayo iyada, ee wuxuu u baqayaa jacaylkiisa curdinka ahi inuu curdan dhadho. Yaab, wuxuu niyadda ka jecel yahay mar wal oo uu booqdo inay iyadu iridda ka furto, mase dhacdo, hadday dhacdana kuma farxo. Waayo, wuxuu kala garan waayaa inay jeceshahay iyo inay neceb tahay. Mar wuxuu is yidhaa kuma jecla, marna wuxuu is yidhaa way baqaysaa, mararna waxbaba isma yidhaa.
Haddaba, galab ka mida galabaha adduun ayuu gurigoodii isku sii daayay, nasiib wanaag wuxuu la kulmay iyada oo kaligeed joogta. Waxaanu is tusay inay tahay fursad uu ugu bandhigan karo waxa haya si hufan oo haadsan. Haasaawe guud buu hadalka ku bilaabee, markuu is yidhi waad isla jaan qaadeen ayuu oodda kaga rogay jacayl in badan uurkiisa ku gaaxsanaa.  Aamusnaanteedii ayuu is yidhi waa kula qaadatay, markaasuu sii fatahay oo uu karkaarada jabsaday. Markii uu dacar baxay ee uu  hor iyo dabo noqday wixii hayayna bedka keenay, ayay si wanaagsan ugu soo jeedsatay intii hore waa foorartee. Waxaanay ku tidhi iyada oo guul is bidaysa “Walaalo waxaan kuu hayaa qaddarin iyo ixtiraam, laakiin ma awoodo inaan kula qaybsado kalgacalkan aad sheegayso, sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa inaad iga raali ahaato, maanta ka dibna ha ila soo qaadin arrimaa ee qof ku jecel raadso”.
Naxdin waynaa, waxa isu qaban waayay malihiisii iyo waxa uu meesha kala kulmay, waxaana ku dhacay han bur-bur iyo u qaadan waa. Isaga oo aad mooddo geesi ay niman ka hiisheen ayuu kobtii ka huleelay oo uu hoygiisii caga jiid is yidhi ku gaadh, dhexda ayuuse ku dhacay, waxaana loola cararay cusbitaal oo hadda Jidhku wuu dubaaxinayaa, maanku waa damqanayaa, waxna waa hud-hudayaan. Jiifso buu is leeyahay, haddana dhinaca ayaa dhulka u qaban la’. Wuxuu garan laayahay cid uu eersado, ma naftiisa, ma dookhiisa mise Dulmartaa ku saydhisay jacaylka? Bal adba.
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq)

No comments

Post a Comment

Sponsor

...