Business

Sunday 1 May 2016

Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Swansea City vs Liverpool: Sturridge Oo Kusoo Laabtay Shaxda Jurgen Klopp

Jurgen Klopp ayaa isbadal ku sameeyay shaxda Liverpool, kadib markii uu goolka kusoo bilaabay goolhaye Ward isagoo kursiga galiyay Simon M... thumbnail 1 summary

Jurgen Klopp ayaa isbadal ku sameeyay shaxda Liverpool, kadib markii uu goolka kusoo bilaabay goolhaye Ward isagoo kursiga galiyay Simon Mignolet kaas oo ahaa xidigii lahaa qaladaadkii ay barbaraha kula galeen Newcastle United kulankii ugu dambeeyay horyaalka.
Daniel Sturridge ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Liverpool kadib markii uu kursiga keydka ku dhameystay ciyaartii Europa League-ga ee Villarreal, sidoo kalana da’yarta kala ah: Chirivella, Ibe, Ojo, Smith iyo Steward ayaa fursad u helay iney kusoo bilowdaan ciyaartaan.

Martin Skrtel ayaa noqon doona kabtanka Liverpool ee maanta madama James iyo Henderson aysan ku jirin shaxda hore, halka Coutinho isna uu kusoo bilowday.
Swansea City:
Fabianski, Rangel, Amat, Williams (C), Taylor, Britton, Cork, Sigurdsson, Routledge, Montero, Ayew
Keydka:
Nordfeldt, Naughton, Fernandez, Ki, Fulton, Barrow, Gomis.
Liverpool:
Ward, Clyne, Skrtel, Lovren, Smith, Stewart, Chirivella, Ibe, Ojo, Coutinho, Sturridge
Keydka:
Mignolet, Benteke, Lallana, Lucas, Brannagan, Teixeira

No comments

Post a Comment

Sponsor

...