Business

Sunday 20 March 2016

Hordhac: Real Madrid Vs Sevilla-Zinedine Zidane Iyo Kooxdiisa Los Blancos Oo Bernabeu Kulan Muhiim Ah Ku Wajahaya Kooxda Sevilla Oo Kaalinta Afraad Ee La Ligaha U Tartamaysa.

Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale Taariikh: 20-Mar-16 XOGTA KULANKAN Kulankan:  Real Madrid   Vs Sevilla Tartanka:  La Liga Garoonka: ... thumbnail 1 summary
Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale
Taariikh: 20-Mar-16


XOGTA KULANKAN
Kulankan: Real Madrid Vs Sevilla
Tartanka: La Liga
Garoonka:Estadio Santiago Bernabéu
Waqtiga: 10:30 PM saacada geeska Afrika
Garsooraha:Javier Estrada Fernández
Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda kaalinta afraad u tartamaysa ee Sevilla, waxayna Real Madrid kulankan ciyaaraysaa iyada oo guul cidhiidh ah oo 2:1 ahayd waqti danbe ka soo gaadhay kooxda Las Palmas balse Los Balncos ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo badhigtay garoonkeeda tan iyo markii uu Zinedine Zidane la wareegay shaqada Madrid.
Real Madrid ayaa kulankan ciyaarysa iyada oo sidoo kale ka fikiraysa kulanka El-Clasico-da labaad oo ay Camp Nou ku booqan doonto kooxda hogaanka La Ligaha haysa ee Barcelona oo iyaduna kulanka adag la ciyaari doonta kooxda Villarreal. Real Madrid iyo Barcelona ayaa la kala ciyaari doona kooxaha Sevilla iyo Villarreal oo kaalinta afraad ee Champions leaque-ga loogu soo baxo ku tartamaya, balse waxaan guul ahayn oo ay Madrid kala kulanto Sevilla ayaa soo gabagabayn doonta rajada yar ee ay ka qabto koobka La Ligaha.
Sevilla ayaa Bernabue iskeenaysa iyada oo kaalinta shanaad ku jirta isla markaana doonaysa in ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay jirto kaalinta afraad oo ay Villarreal ku jirto, laakiin Sevilla oo kulankii hore ee xili ciyaareedkan Real Madrid garoonkeeda ku soo garaacday ayaa maanka ku haysa hawsha ay Madrid kala kulmi doonto.

WAXYAABO AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:
Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kaadhka cas loo taagay dhamaadkii kulankii Las Palmas wuxuuna seegi doonaa kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxdiisii hore ee Sevilla, waxa kale oo Real Madrid kulankan ganaax kaga maqan Pepe kaas oo ay isna u buuxsantay shanta gaadh ee digniinta ahi.
Laakiin warka fiican ee ay Madrid heshay ayaa ah in Zinedine Zidane uu liiska kooxdiisa Madrid ee kulankan uu ku soo daray Karim Benzema oo dhaawac la maqnaa tan iyo kulankii Madrid Derby ee ay Real Maddrid la ciyaartay kooxda Atletico Madrid. Gareth Bale oo laga reebay liiska xulka qarankiisa Wales ayaa hadda si buuxda taam ugu ah in uu kulankan dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.
Dhinaca kooxda martida ah ee Sevilla waxaa kulankan ganaax kaga maqnaan doona Banega laakiin Steven N’Zonzi ayaa dib ugu soo labaan doona Sevilla kadib markii uu seegay kulankii ay Sevilla 3:0 ku dubatay kooxda FA Basel ee kulankii Europa Leaque-ga. Laakiin waxa uu shaki ku jiraa taam ahaansha labada xidig ee aadka Sevilla muhiimka ugu ah ee Vitolo iyo Yevhen Konoplyanka waxayna la dhibtoonayaan dhaawacyo muruqa ah. Laakiin warka fiican ee Sevilla ayaa ah in Grzegorz Krychowiak uu markii ugu horaysay shaxda Sevilla ku soo bilaaban karo tan iyo bishii January.

Liiska Ciyaartoyda Madrid ee uu Zidane Soo saaray: Keylor Navas, Casilla and Rubén Yáñez, Varane, Nacho, Marcelo, Carvajal, Arbeloa and Danilo,Kroos, James, Bale, Casemiro, Modric and Isco,Cristiano Ronaldo, Benzema, Lucas Vázquez iyo Jesé Rodriguez.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...