Business

Sunday 20 March 2016

Hordhac: Southampton Vs Liverpool- Kadib U Soo Bixitaankii Sideed Dhamaadka Europa Leaque ee Reds, Klopp Iyo Kooxdiisa Oo Dareenkooda Ku Soo Jeedinaya Kulanka Muhiimka Ah Ee Southampton

Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale Taariikh: 20-Mar-16. XOGTA KULANKAN Kulankan:  Southampton Vs Liverpool Tartanka:  Premier Leaque ... thumbnail 1 summary
Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale
Taariikh: 20-Mar-16.

XOGTA KULANKAN
Kulankan: Southampton Vs Liverpool
Tartanka: Premier Leaque
Garoonka:St Mary’s Stadium
Waqtiga: 4:30 PM saacada geeska Afrika
Garsooraha:Roger East
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa laga doonayo in ay ku jirto qaab ciyaareedkeeda ugu fiican si ay saddexda dhibcood uga soo qaadato kooxda Southampton oo ay ku booqanayaan St Mary’s Stadium. Liverpool ayaa xusuus fiican ka haysata Southampton iyada oo kulankii Capital One Cupka  ay Saints ku soo xasuuqday 6:1 waxayna  sidoo kale garoonkan ay Reds guul ku soo gaadhay labadii kulan ee ugu danbeeyay ee ay booqatay.
Kooxda Merseysiders ayaa Southampton booqanaysa iyada oo xaalad fiican ku jirta isla markaana wareega sideed dhamaadka Europa Leaque-ga u soo baxday kadib markii ay wadar ah 3:1 ku soo garaacday Manchester United wareegii 16 ka kooxood ee Europa Leaque-ga.Sidoo kale Liverpool ayaa ka hor kulamadii Man United waxay kulamada horyaalka ku soo garaacday Manchester City iyo 

Liverpool ayaa 28 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah ka heshay 44 dhibcood waxayna ku jirtaa kaalinta 9 aad laakiin guul ay gaadho Reds ayaa ugu yaraan kaalinta todobaad soo galin karta halka haddii ay Man United guuldaro kala soo laabato Man City ay kaalinta lixaad isku dhibco ku noqon doonaan Man United iyo Liverpool. Laakiin Reds ayaa wali gacanta ku haysata kulankii u baqqday finalkii Capital One Cupka.
MAXAA KA CUSUB WARARKA LABADA KOOXOOD?
Kooxda martida loo yahay ee Southampton ayaa war aad u fiican ka heshay in xidhiidhka kubbada cagta Ingiriisku ay Sadio Mane ka tirtireen ama ay ka masaxeen kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Stoke City, wuxuuna diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Liverpool.
Waxa kale oo Southampton ganaaxyo uga soo laabtay Victor Wanyama iyo Jose Fonte waana sabab ay kooxda Ronald Koeman ee Saints ay ku niyadsamaan karto karto kulankan.Lakaiin waxaa Southampton dhaawac kaga maqnaan doona Charlie Austin oo dhaawac muruqa ah la maqan halka Jay Rodriguez aanu taam buuxa ahayn.
LIISKA KOOXDA SOUTHAMPTON: Forster, Stekelenburg, Gazzaniga, Martina, Van Dijk, Fonte, Yoshida, Soares, Bertrand, Clasie, Targett, Ward-Prowse, Wanyama, Romeu, Davis, Tadic, Mane, Long, Pelle.
Dhinaca kooxda martida ah ee Liverpool, waxa uu shaki ku jiraa difaaca bidix ee Alberto Moreno kaas oo uu dhaawac ku soo gaadhay tababarkii Old Trafford ee ka hor kulankii lugta labaad ee Europa Leaque-ga. Moreno oo kulankii Man United seegay ayaa la filayaa in uu seegi karo kulanka Southampton, waxaana shaxda Reds ku bilaaban kara Jon Flanagan oo heshiiskiisii cusbaa ugu dabaal dega kara ku bilaabashada shaxda Klopp.
Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa xanuunsaday waqtigii nasashada ee kulankii Man United laakiin waxaa la filayaa in Henderson uu taam u noqon doono kulanka Saints laakiin waxaa hal kulan oo ganaax ah ku maqnaan doona James Milner. Dhinaca kale waxaa shaki laga muujinayaa taam ahaansha xidiga qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jiray ee Roberto Firmino oo shaki la galinayo in uu kulankan ciyaari karo.
LIISKA KOOXDA LIVERPOOL:Provisional squad: Mignolet, Flanagan, Lovren, Sakho, Clyne, Henderson, Can, Firmino, Lallana, Coutinho, Sturridge, Ward, Toure, Smith, Allen, Ibe, Origi, Benteke, Moreno.
WAXYAABO AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:
  • Liverpool ayaa soo guulaysatay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Southampton martida u ahayd iyada oo celcelis ahaan kulankiiba ka soo dhalisay saddex gool.
  • Southampton ayaan saddex kulan oo isku xiga oo horyaalka Ingiriiska ah aan guuldaro kala kulmin Liverpool tan iyo December 1996 kii.
  • Liverpool ayaa 13 gool ku soo dhalisay garoonka Southampton afartii kulan ee ay booqatay kulamada horyaalka horyaalka Ingiriiska.
  • Haddii uu goolhayaha Southampton ee  Fraser Forster uu shabaqa ka ilaashado Liverpool waxa uu noqon doonaa goolhayihii afraad ee sida ugu deg degsan ku gaadhay 20 kulan oo shabaq nadiif ah ee uu garoonka kala baxay wuxuuna hadda haystaa 19 kulan oo aan wax gool ah laga dhalin 40 kulan oo uu ciyaaray, waxaana ka horeeyay Petr Cech (26), Jose Reina (32) iyo Roy Carroll (37) kadib markii ay 40 kulan ciyaareen.
  • Southampton ayaa 9 kulan oo Premier Leaque-ga ah ka guulaysatay Liverpool halka Reds ay 16 jeer garaaceen Saints waxayna barbaro galeen 8 kulan.

No comments

Post a Comment

Sponsor

...